Mayor's Office of Access & Belonging

Barnaamijka Tijaabada Calaamadaha Taariikhiga ah ee Salt Lake City: Helida Tixgelinada

Eeg hoos si aad u hesho sharaxaada tixgelinada loogu talagalay Barnaamijka Tijaabada Calaamadaha Taariikhiga ah ee Salt Lake City:

Sida Tooska ah Loo Tagi karo

Goobta: Calaamada taariikhiga ah waa in lagu rakibaa goob ay geli karaan shaqsiyaadka qaba caqabadaha dhaqdhaqaaqa, oo ay kujiraan kuwa isticmaala kuraasta curyaanka, qalabka lagu socdo, iyo agabyada kale ee gargaarka.

Wadada Loo maraayo iyo Goobta: Meelaha u dhaw calaamada taariikhiga ah waa ay yihiin kuwo caadi ah, degan, oo aan lagu kufi karin, waana inay leeyihiin waddo ammaan ah oo si fudud loo mari karo.

Meel Kor u qaadan iyo Sida lagu gaaro: Calaamadaha taariikhiga ah waa in lagu dhejiyaa meel xoogaa dhulka ka sareysa oo ay si fudud u akhrin karaan shaqsiyaadka fadhiya (tusaale, dadka isticmaala kuraasta curyaanka) iyo kuwa taagan. Sida habboon, qaybta hoose ee calaamada taariikhiga ah waa inaysan ka fogeyn 48 inji dhulka.


Meel Muuqaal ahaan la arki karo

Khada ku qoran iyo Sida Ay waadix u tahay: Qoraalka ku qoran calaamada taariikhiga ah waa inuu yahay mid la arki karin, leh khad qoraalka sans-serif oo leh muuqaal si fiican loo arki karo marka la eego qoraalka iyo sawirka ka dambeeya. Sidoo kale waa in la tixgeliyo inta qoraalku le’eg yahay, si loo hubiyo inay si fiican u akhrin karaan shaqsiyaadka qaba cilladaha araga.

Far waawayn oo Balbalaaran: Marka ay macquul tahay, calaamadaha taariikhiga ah waa in lagu qoraa far waawayn oo balbalaaran si ay si fiican u akhriyaan shaqsiyaadka qaba ciladaha araga ama ku yar yahay aragu.

Qaab qoraalo kale: Marka laga imaado qoraalka muuqda, koodhadhka QR-ka ama arrimaha teknoolajiyada la midka ah ayaa lagu dari karaa si ay u bixiyaan qeexitaanada maqalka ama qoraal lasoo degsan karo oo loogu talagalay dadka booqashada ku imaanaya ee qaba cilladaha araga.


Helida Maqal

Qeexitaanada Maqalka: Iskuday inaad bixiso qeexitaanka maqalka xogta ku qoran calaamada taariikhiga ah, koodhadh QR ah oo la adeegsan karo, ablikeeshino moobeel, ama teknoolajiyad kale. Qeexitaankaan waa inuu bixiyo sheeko cad oo faahfaahsan oo loogu talagalay shaqsiyaadka qaba cilladaha araga ama dadka jecel inay maqal ahaan sheekada ku helaan.

Tixgelinada Anqarta Gudaha: Hubi in agabyada maqalka ah ee la socda loo qorsheeyay in si fudud oo la fahmi karo xataa marka la joogo meel buuq badan oo ah banaanka goobta, waana inay leeyihiin cod iyo faseexnimo ku filan.


Helitaanka Fahamka

Waa inay ku qoran yihiin luuqad Cad oo Fudud: Qoraalka ku yaala calaamada taariikhiga ah waa in laga ilaaliyo luudaha adag in la fahmo. Adeegso sharaxaad toos ah oo kooban oo ay si fudud u fahmi karaan shaqsiyaadka qaba cilladaha fahamka ama heerarka akhriska ee kala duwan.

Astaamaha Qeexa Sawirka: Meelaha ku habboon, ku dar sawiro, khariirado, ama astaamo kale oo muuqaal ah oo sii fududeynaaya qoraalka, korna u qaadaya inay dadka booqashada ku yimaada si fiican u fahmaan.


Helitaanka Agabyada Teknoolajiyada

Horumarinada Dhigitaalka ah: Haddii lagu daro astaamaha dhigitaalka ah (tusaale, abliwkeeshino, koodhadhka QR-ka, webseedyo), waa inay buuxiyaan xeerarka webka la garo loogu talagalay (WCAG 2.1), ee fududeeya inay ku habboonaadaan shaashada qof kasta oo akhrinaaya iyo teknoolajiyadaha kale ee caawimaada.